Shiinaha Oo Durbaba Furay isbitaal cusub Oo looga hortagayo Carona virus.

0
224

Isniin, RBB News:- Shiinaha ayaa ku dhammeystirey dhismaha cisbitaal deg-deg ah oo qaatay muddo sideed maalmood gudahood kaas oo laga hirgaliyay Gobolka Wuhan, oo ah magaalada xudunta u ah cudurka dillaacay ee ‘Coronovirus’ maadaama cudurka uu ku faafay Dalkaasi

uuna sii wado gaalaafashada nolosha dad badan isla markaana uu ku faafiyo guud ahaan dalka iyo kuwa diriska la ah.

Shaqada ayaa ka bilaabatay dhismaha Isbitaalka Huoshenshan-ka oo degdegga ah looga hirgaliyay Wuhan, oo ah caasimadda gobolka Hubei ee Shiinaha.

Dhismaha Ayaa Labilaabay 23-kii Janaayo, ayaa la soo gabagabeeyey Axaddii shalay ahayd oo Taariikhdu ku begneed 2 bisha February, sida ay sheegtay warbaahinta Shiinaha.

Isbitaalka ayaa lagu wadaa inuu qaabilo bukaannada la xaqiijiyay in ay qabaan cudurka Coronavirus laga bilaabo maanta.

Dhismaha cusbitaalka labaad ee Wuhan ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maalinta Arbacada.

Fayras weligiis aan hore loo arkin ayaa waxaa bishii ugu horreeyay laga soo sheegey badweynta cuntada iyo suuqa digaagga ee Wuhan, oo ay ku nool yihiin 11 milyan oo qof.

Sida laga soo xigtay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee Komishanka Qaranka ee Caafimaadka Shiinaha, infekshanku wuxuu dilay in kabadan 360 qof ilaa iyo Maanta guud ahaan Shiinaha.

Maamulka ayaa u diray inka badan 8,000 oo shaqaale caafimaad ah Hubei si ay ula dagaallamaan cudurka dillaacay.

Saxaafadda Shiinaha ayaa sheegtay in 1,400 oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ee militariga ay iyaguna u yimaadeen Wuhan si ay uga shaqo bilaabaan cusbitaalka cusub.

Wuhan ayaa ku dhawaad labo toddobaad xirneyd si dadka looga joojiyo inay ka baxaan aagagga ayna u gudbiyaan fayraska.

Isbitaalada ku yaal gobolka ayaa lagu soo waramayaa in ay yihiin kuwa shaqo la’aan ah, Waxay sidoo kale la tacaalaan yaraanta sahayda caafimaad.