Shiinaha Oo Laga helay Kiisas Cusub Oo Caronavirus.

0
822

Talaado, RBB News:- Shiinaha ayaa diiwaangeliyay 78 kiis oo cusub oo ah cudurka loo yaqaan coronavirus, kuwaa oo badankood laga keenay dibada, taas oo walaac ka muujisay mowjad labaad oo infekshanka karoonaha in markale uu ka dilaaco guadaha dalkaasi.

Komishanka Caafimaadka Qaranka Shiinaha ayaa sheegay Talaadadii in 78 ilaa 74 qof  ay ka yimaadeen dibedda, oo ah kuwii ugu sarreeyay tan iyo bilowgii Maarso, markii masuuliyiintu bilaabeen inay soo sheegaan kiisaska la soo dhoofiyay, waxayna ku dhowaad labalaabeen tirooyinka Isniinta ladiiwaangliayay.

Komishanku wuxuu sheegay in mid ka mid ah afartii Qofood ee maxalliga ee kusugan Gobolka Wuhan uu ku dhacay Caabuqaan, halkaasi oo ah meesha uu kabilaawday fayraskan dilaaga ah dhammaadkii sannadkii hore isla markaana uu ku dhacay dadkii ugu badanaa.

Sidoo kale Isniintii, todobo qof oo dheeri ah ayaa ku dhintay, dhammaantoodna waxa ay kunoolaayeen Wuhan.

Shiinaha ayaa la rumeysan yahay inuu xakameynayay cudurka dilaaga ah ee coronavirus gudaha dalkiis, laakiin waxaa hadda jira walaac isa soo taraya oo ku saabsan qulqulka dadka qaba cudurkan ee ka imanaya waddamada la dagaallamaya cudurka.

In ka badan 381,000 oo dad ah ayaa dunida oo dhan cudurkaas uu ku dhacay inka badan 16.500na waxay u dhinteen cudurka fayraska, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins.

Shiinaha ayaa ilaa hadda diiwaangeliyay in ka badan 81,000 oo infekshinkan uu ku dhacay, iyo 3,277 oo cudurkan Udhintay.

Warbaahinta dawladda Shiinaha ayaa ka digtay mowjad labaad oo ah cudurkan ah maanta oo Talaado ahi.

Dhanka kale, xayiraadaha safarka ee looga tagayo Gobolka Hubei ee Shiinaha, oo ah halka uu cudurku ka dillaacay, ayaa kor loo qaadi doonaa maadaama uu cudurku uu dib ugu soo laabtay Gobolka.

Komishanka Caafimaadka Hubei ayaa sheegay in ay kor u qaadi doonaan xakameynta safrayaasha safraya laga bilaabo Arbacada.

Wuhan, caasimada Hubei, waxa ay xirneyd illaa iyo Janaayo 23-keedii waxay sidoo kale xayiraadaha safarka la qaadi doonaa 8-da Abriil