Shiinaha oo ubaahan gurmad deg deg ah.

0
155

Isniin, RBB News:- Af hayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Shiinaha Hua Chunying ayaa shir jaraa’id oo ay qabtay Maanta ku sheegtay in dalku uu aad ugu baahan yahay qalab caafimaad oo ilaalin ah.

“Waxa uu Shiinuhu si deg deg ah ugu baahan yahay xilligan waa Qalab caafimaadka, qibradaha difaaca, iyo qalabka amniga,” ayuu yidhi Hua.

Wasaaradda ayaa sheegtay in wadamo ay ka mid yihiin Kuuriyada Koofureed, Japan, Kazakhstan iyo Hungary ay ugu deeqeen sahay caafimaad.

Xirashada masar-ka waxay ku qasabtay inka badan 50 milyan oo qof oo kusugan Gobolka Hubei, iyo dhowr gobol iyo magaalooyin kale, oo ay ku jiraan dad ka badan 300 milyan.

Waxaa labaahiyay in awoodo ugu badan ee soo saarida Maaskarada ay Wasaaradda Warshadaha Shiinaha waxaan ay maalintii soo saaraan ku dhawaad 20 milyan oo maaskaro.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay horaantii Maanta in masuuliyiintu ay ka fiirsanayaan inay soo qaataan maaskaro ka yimaada Dalalka Yurub, Japan iyo Mareykanka.

Cudurka ‘pneumonia’ ayaa ka gudbay xuduudaha Shiinaha wuxuuna ku dhacay in ka badan 170 qof oo kasoo kala jeeda in ka badan 24 waddan, iyadoo hal qof laga soo sheegay Filibiin maalintii Axadda.

Ururka Caafimaadka Adduunku ayaa ku dhawaaqay dhibaatada inay tahay xaalad caafimaad oo degdeg ah oo caalami ah.