Shir deg deg ah oo ka Socda Xafiiska Ra,iisul wasaaraha

0
601

Jimco, 5 April 2019 (RBB News) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa shir degdeg ah uga socdaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ku sugan taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sidda.

Shirkaan ayaa looga hadlayo sidii maalinta berri Hey’addaha Ammaanka ee dowladda ay Warbixin dhameystiran oo mid ah ula tagi lahaayeen kulanka Baarlamaanka ee looga hadlayo xaalada amniga.

Maalinta berri ah waxaa lagu wadaa Wasiirrada Amniga, Gaashaandhigga, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay hortaggaan golaha Shacabka.