Shir Heer Caalami Ah Oo Kafurmay Jabuuti

0
227

Isniin, RBB News:- Madaxda wadamada Africa ayaa ku baaqay in dowladaha ay kordhiyaan miisaaniyada dhanka Waxbarashada.

Iyaga oo ka hadlayay shirka sadaxaad ee caalamiga iyo dheelitirka waxbarashada oo ka furmay dalka Jabuuti ayaa waxay sheegeen in ay xaqiijin doonaan sidii cunug kasta oo u heli lahaa Waxbarasho Tayeysan.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya mas,uuliyiin ka socda 36 dal oo ka socda wadamada saxaraha ka hooseeya ee Afrika kuwa ku yaal qaarada Yurub iyo koonfurta Ameerika iyo dalal ku yaal koonfurta galbeed ee Aasiya.

Inta uu socda kulanka caalamiga ah ee tayeynta waxbarashada ayaa waxaa la filayaa in qodobo muhiim ah laga soo saaro, ka hor inta aan la soo gabagabeyn maalin Khamiista.

Shirka ayaa waxaa iska kaashaday dowlada Jabuuti iyo hey,ada caalamiga ee gargaarka Waxbarashada