Shir Looga Hadlayay Amaanka Badweynta Hindiya Oo Laso Gabagabeeyay.

0
230

Khamiis, RBB News:- Mas’uuliyiin matalaya Dowlada dhexe ee Somaliya ayaa dalka Kenya uga qeybgalay shir looga hadlayay amaanka Badweynta Hindiya.

Inta badan shirkan waxaa looga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa Amaanka guud ee Badweynta Hindiya waxa uuna maalmihii lasoo dhaafay shirkan uu kaqabsoomay Magaalada Mombasa Ee Dalka kenya.

Kulanka waxaa soo qaban qaabiyay oo marti gelisay hay’adda Maamulka Badaha Dalka Kenya waxaana ka qeybgelay dhowr dowladood oo ku teedsan Badweynta Hindiya,

Sidoo kale Shirkan waxaa lagu casuumay Xubno Kasocda Midowga Yurub iyo Ururro Caalami.

Andrew Lyttle, oo ah lataliyaha amniga Badda Soomaaliya ee howlgalka Midowga Yurub oo ka hadlayay Madasha ayaa sheegay in Somaliya ay Muhiim u tahay Amaanka Badweynta Hindiya waxuu intaasi raaciyay in Somaliya ay kaqeyb qaadato.