Shirkada Safaricom oo cabsi ka muujisay weeraro kaga yimaada Al-Shabaab

0
302

Talaado RBB News:- Shirkada Isgaarsiinta ee Safaricom ee dalka Kenya ayaa xoojisay amniga xarumaha ay ku rakiban yihiin biraha isgaarsiinta ee ku yaal waqooyi Bari Kenya.

Arintaan ayaa waxay timid kadib weerar duqeyn ah oo sabtidii ciidanka difaaca Kenya ay ku burburiyeen taawarka shirkada isgaarsiinta hormuud ee ku yaal deegaanka cows qurun ee gobolka Gedo.

Shirkada hormuud ayaa talaabadan aad uga carootay iyadoo dowlada Soomaaliya ay dhankeeda sheegtay in talaabada Kenya ay tahay mid ay ku dooneyso in lagu wiiqo dhaqaalaha Dalka.

Si kastaba ha ahaatee shirkada Safaricom ayaa ka baqdin qabta sidii horay u dhacday weeraro aargoosi ah oo kaga yimaada Ururka Al-Shabaab.

Kooxdan oo gacan saar la leh ururka Al-Qaacida ayaa burburkii u danbeeyay u geysatay taawar shirkada Safaricom ee ka taagnaa degaanka Yumbis Fafi ee ismaamulka Garissa ee gobolka waqooyi Bari.