Shirkadda Somtel Oo Soo Bandhigtay Adeegyo Cusub.

0
1654

Sabti 23 Maarso 2019 (RBB News) – Shirkadda iagaarsiinta Caalamiga ah Ee Somtel ayaa Maanta Munaasabad ay ku qabteen Magaalada Muqdisho Waxay Bulshada Soomaaliyeed ugusoo bandhigeen Adeegyo Cusub oo ay Bulshada Soomaaliyeed Wada sugayeen Kana mid ah Horumarada Ballaaran Oo ay Shirkaddu ku tilaabsaneysay Waayihii Dambe.

Munaasabadda Waxa goob joog ka ahaa oo ku Sugnaa Bulshada qeybahooda kala duwan Kuwaas oo si weyn ula dhacsanaa Adeegyada Cusub Oo ay Shirkadda Somtel Soo bandhigtay.

Maxamed ibraahim Cilmi oo ah madaxa shaqada iyo shaqaalaha Xawaaladda Dahabshiil Oo kamida Laamaha Kala duwan ee Ku mideysan Dahabshiil Group ayaa sheegay in Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ay ku guuleystay Hanashada Iyo qancinta Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed Taas oo ku dhiiro galisay In ay ku dhiiradaan Soo bandhogidda Adeegyadan Muhiimka ah Ee wax tarka u leh Bulshada Soomaaliyed.

Masuuliyiinta Sidoo kale goobta Ka hadashay Waxaa kamid ahaa madaxa Xafiiska gamacsiga Ee Shirkadda Somtel Cabdulahi cali caamir Waxa uuna uu tilmaamay In dhiiro galinta had iyo jeer bulshada la garab taagan yihiin ay suura galisay in ay ku dhiiradaan In ay Gaareen Figta sare Soona bandhigeen Adeegyadan Cusub oo ah Kuwii ugu dambeeyay Ee laga isticmaalo Dunida, Maamulka Iyo shaqaalaha Guud Ee Dahabshiil guruub ayuuna Ku amaanay In ay iska kaashadeen Gaaridda Guushan.

Shaqsiyaad matalayay Bulshada Ayaa sidoo kale kamid ahaa dadkii goobta ka hadlay Waxayna Bogaadiyeen Dadaalada Iyo talaabooyinka Shirkadda Somtel ay ku talaabsatay Waxayna ugu baaqeen in ay sii laba jibaarto Dadaalkeeda ku aadan u adeegidda Bulshada.

Mudooyinkii dambe Shirkadda Isgaarsiinta Caalamiga ah ee Somtel ayaa ku talaabsaneysay Soo bandhigidda Adeegyo Cusub oo baahi weyn u qabaan Bulshada Soomaaliyeed, Waxaana waqtigan Muuqanaya In ay kusii baaheeso Dunida oo idil Si Macaamiishu u helaan Adeeyada Kala duwan oo ay ugu tala gashay Shirkadda Somtel.