Shirkii dib-u-heshiisiinta Galmudug oo mar kale dib u dhacay.

0
218

Sabti RBB News:- Maanta ayuu qorshuhu ahaa in magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud uu ka furmo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug, hasse ahaatee shirkaa ayaa dib u dhacay markii labaad.

Guddiga doorashada oo maalintii shalay sheegay in dhamaanba soo idlaadeen howlihii qaban qaabada shirka iyo Liiska ergooyinka, ayaa mar kale haddana sheegay in shirkaasi uusan furmi karin maanta sababo dhinaca farsamada ah oo laakiin aan la faah faahin.

Beelaha Galmudug qaarkood ayaa wali kasoo horjeedda Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug, waxaana Guddiga ay waddeen maalmihii ugu dambeeyay dadaallo kala duwan oo ku aadan qabashadda Shirka.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Galmudug ayaa dhaliil xoog leh  u jeediya guddiga qabanqaabada shirka Dhuusa-Mareeb iyaga oo ku eedeeyay deg deg iyo in wax walba lgu soo dhameeyo maalmo kooban, madaama ayeey sheegeen dib u heshiisiintu u baahan tahay in waqti la galiyo.