Solskjaer oo go’aan lama filaan ah ka qaatay cida tuureysa rigoorooyinka ay kooxda hesho

0
245

Isniin, RBB News – Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sii kiciyay jahwareerka rigoore tuurista ee ka taagan Manchester United isagoo mar kale go’aan ku gaaray in mas’uuliyada rigoore tuurista ee kooxda inay qeybsadaan Paul Pogba iyo Marcus Rashford.

Labada xiddig ayaa labadii kulan ee ugu danbeysay rigoore ka qasaariyay kooxda taasoo keentay in kulan ay barbaro galaan kan kalena laga badiyo.

Tababare Solskjaer ayaa loogu baaqay inuu kaliya hal ciyaaryahan ka dhigto xiddiga rigoorada u tuura kooxda, waxaana uu qaatay taladaas isbuucaan markii Rashford ka dhigay xiddiga rigoore tuurista u qaabilsan kooxda, laakiin markii uu Rashford qasaariyay rigoorada kulankii Crystal Palace waxa uu qaatay go’aan kale oo cusub.

Isagoo u hadlayay jariirada The Independent, Solskjaer ayaa sheegay inuusan walaac ka qabin rigoorada uu qasaariyay.

“Waan ka niyad xunahay laakiin waan hubaa inuu Marcus dib u eegi doono rigooradiisa, laakiin waa hubaal inuu mar kale kooxda u tuuri doono rigoorada.

“Labada xiddig waa kuwa kalsooni qaba islamarkaana rigoore tuuristooda ay fiican tahay, xaaladooda waa ay i soo martay, waxaan rigoore ka qasaariyay Norwich, marka ay jiraan labo magac waxaa rigoorada tuuraya midkii hadba kalsooni dareemaya.

“Paul waxa uu dhaliyay rigoorooyin badan sidaasi darteed wax dhibaato ah kuma qabo. Qasab ma ahan inaan hal ciyaaryahan u xil saaro rigoore tuurista, maya. Sababtoo ah mararka kalsooni aad ku tuurto ayaad leedahay, mararka qaarna maalin xun ayaa ku soo martay oo ma dooneysid inaad tuurto.

“Gabi ahaanba wax dhibaato ah kuma qabo ciyaartoyda inta ay soo istaagaan dhaha ‘waa rigooradeyda’.”

Hadalka ugu danbeeya ee Solskjaer ayaana loo arkaa mid abuuri kara isqabqabsi marka xiga ee ay Man United rigoore ku guuleysato.

United ayaa ku soo laabaneysa Premier League marka ay Sabtida soo socota u safraan kooxda Southampton iyagoo rajeynaya inay wadada guusha ku soo noqdaan.