Somaliland Oo Sii Daaysay Maxaabiis Lagu Qabtay Dagaalkii Tukaraq

0
391

Isniin, 27 May 2019 (RBB News) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi xuskii sannad-guurada 28-aad ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May, waxa uu sheegay in Somaliland mar walba nabad buuxda u hayso cid kasta, sidaa awgeedna sii daynayso maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Somaliland ayaa tilmaamtay in dhibaatooyin ay ka jiraa maamul Goboleedyada sida Kismaayo Gal-mudug, Hirshabeelle iyo Puntland,sidoo kalena waxaa ay ku dartay Magaalada Muqdisho,kuwaasi oo ay sheegtay inay dabada ka riixeyso dowladda Soomaaliya.

“Somaliland waxay xad la leedahay Soomaaliya waa maamul-goboleedka Puntland, wixii khilaaf ka yimaadda xadka Somaliland waxa ay diyaar u tahay in lagu xalliyo nabad iyo is af-garad buuxa, lagana fogaado dhibaatada laga soo maleegayo Muqdisho”

Muuse Biixi ayaa cabis u fidiyey 14 Maxaabiis ah,kuwaasi oo lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Maxabiista la siidayay Magacyadooda:

1) Cabdi-naasir Cismaan Cali

2) Cabdi-nuur Maxamed Cabdulle

3) Maxamed Siciid Yuusuf

4) Cali Faarax Aadan

5) Maxamed Cabdi Caynab

6) Cabdi-xaafid Cabdillaahi Xalane

7) Xuseen Siciid Warsame

8) Cabdi-naasir Maxamed Nuur

9) Maxamed Abshir Aadan

10) Ibraahin Xasan Salaad

11) Axmed Maxamed Axmed

12) Siciid Ducaale Cali

13) Mahad Nuur Cali

14) Faarax Maxamed Cabdi