Soomaali lagu dilay Koonfur Afrika

0
284

Sabti, RBB News – Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay  Gudaha dalkaas  ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.

Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa sheegay in dilka Muwaadinka Soomaaliyeed uu ka dhacday deegaan lagu magacaabo Khayelitsha oo hoos yimada Magaalada Cape Town,iyadoon uu u geeriyooday Muwaadinkaas rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.

Kooxihii dhagar-qabayaasha ahaa ee fuliyay dilka Cabdifitaax oog ayaa goobta ka baxsaday,waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrka ,iyagoo sameeyay baaritaano aan wax Natiijio ah ka soo bixin.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeya in aysan ka hadlin dilalka

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dalka Koonfur afrika weli kama hadlin dilalka joogtada ah ee dalkaas loogu geysanayo Soomalida,waxaana soo badanaya walaaca ay qabaan dadka Ganacsi ahaan u tegay dalka Koonfur Afrika.