Soomaaligii ugu horreeyey oo ka mid noqday Senate-ka Oregon

0
2554

Shuraako Featured on VOA Somali

Golaha Aqalka Senate ee gobolka Oregon ee dalkan Mareykanka waxaa markii ugu horeysay taariikhda waxaa loo dhaariyey inuu xubin ka noqdo nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Kayse Jaamac.

Keyse ayaa waxa uu horey uga shaqeyn jirey arrimaha bulshooyinka soo-galootiga ah ama laga tirada badan yahay.

Kayse Jaamac oo hore ugu tartamey xilkan gollaha duqowda gobolka Oregon ayaa waxaa la tartamay Shemia Fagan oo xilligaasi ku badisay kursiga balse haatan qaadatay shaqo kale oo ah xoghayaha ama diiwaan-hayaha gobolka Oregon.

Kayse ayaa muddo dheer kasoo shaqeynayey howlaha Jaaliyada Soomaalida ee gobolkaaasi. Sahra Cabdi Axmed ayaa kula xiriirtay khadka telefoonka waxayna ugu horrayn weydiisay waxa uu uga dhigan yahay xilkan?