Soomaaliya oo Cumaan u dhoofisay ku dhawaad 20,000 oo Xoolo ah.

0
883

Jimco, RBB News:- In ka badan siddeed iyo toban kun oo ido ah oo laga dhoofiyay Soomaaliya ayaa la geeyay magaalada Dekadda leh ee Salalah maalintii Arbacada si loo kordhiyo helitaanka cunnada.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Beeraha iyo Kalluumeysiga dalka Oman ayaa lagu sheegay in 18,610 adhi Soomaali ah la keenay si loo hubiyo in badeecadaha cunnada gudaha ah iyo kuwa dibadda ay sii socdaan iyada oo aan la carqaladeyn cudurka Covid19 awgiis.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Howlaha karantiil ee xoolaha ayaa la dhameystirayaa waxaana la baadhayaa idaha si loo hubiyo amaankooda caafimaad iyo in ay ka xor yihiin cudurada ka hor inta aan la siideyn