Suurtagal Miyaa In markale Ay dib udhacdo Doorashada Galmudug?

0
227

Arbaco, RBB News:- Iyadoo ay maalmo qura inaga xigto xilligii loo qorsheeyay in lagu qabto Doorashooyinka Guddoominka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Galmudug ayuu gaabis ku soconaya dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.

Guddiga Farsamada ayaa jadwalkii ay soo saareen bishii December waxay ku sheegeen in soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug la soo geba-gabeen doono 30-kii December, Doorashada Guddoonka Baarlamaankana la qaban doono 4-ta January, halka midda Madaxtooyada ay dhici doonto 9-ka January, kuwaa oo ay muuqato inay xilligoodii dib uga dhacayaan.

Jadwalkii labaad ee doorashada Galmudug waxay u badan tahay inuu fashilmay, iyadoona ay Guddiga Farsamada ku khasbanaan doonaan inay jadwal kale soo saaraan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa weli ka jira khilaaf xoogan oo ku gadaaman soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka xigga ee Galmudug.

Odayaasha Dhaqanka ee beelaha Galmudug ee aan ku hawlanayn soo xulista Xildhibaanada cusub ayaa waxay Guddiga Farsamada ee Dhismaha Galmudug ku eedeeyeen in uu wax is daba-marin ku wado soo xulista Xildhibaanada cusub.

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa dadaal ugu jira, sidii loo dardar-gelin lahaa maamulka lagu wado in loo soo yegleelo bulshada reer Galmudug.