Taabit “Hey’addaha Amniga waxaa looga fadhiyaa Warbixin faah faahsan iyo tallaabooyin cad cad”

0
334

Saturday July 27, 2019 (RBB NEWS) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Hey’addaha Ammaanka ee dowladda laga sugayo in warbixin faah faahsan iyo tallaabooyin cad cad oo ku aadan qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

“Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Caasimadda wuxuu u ahaa usbuuc murugo badan. Waxaan luminnay dad muhiim u ahaa geedigeenna soo kabashada, rajada mustaqbalka iyo halganka horumarka. Allaha u naxariisto dhamaantood, inta dhawaca ah ee uu ku jiro walaalkeen Gud Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Allaha caafiyo”ayuu yiri Guddoomiye Taabit.

Guddoomiye Taabit oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan arkaa su’aallaha faraha badan oo ay shacabku iska weydiinayaan dhacdadii xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, waxaa jira walaac badan oo la xiriira sida ay wax u dhaceen, waxaana muuqata in hay’addaha amniga looga fadhiyo warbixin faah faahsan iyo talaabooyin cad cad. Markii noogu dambeysay xarunta Dowladda Hoose dhamaan waxaa shaqeynayay kaamirooyinka CCTV-ga kuwaas oo ku xirnaa Albaabka koowaad ee laga soo galo xarunta ilaa iyo hoolka shirarka oo ay mashaqadu ka dhacday. Taasi waxay ka dhigantahay in baaritaanku fudud yahay oo caddeymo raad-raac leh la heli karo”

Waxaa uu ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan oo aan natiijada laha hordhicin, sidoo kalena aan kiiska la marin habaabin.

“Waxaan ku kalsoonahay in arrintani ay wax badan kaga duwanaan doonto dhacdooyinkii hore madaama raad-reeb (CCTV) la heysto. Sida ay noqoto natiijadda baaristan, waxay fasiri doontaa heerka kalsoonida laamaha amaanka iyo sida ay Xafiisyadeenna Sare u yihiin goobo aamin ah. Waxaan ku talinayaa in masuuliyad dheeraad ah la iska saaro baarista oo aan marnaba la sahlan”ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed