Taariikhda kooban ee Gen. Gaid Saleh

0
134

Talaado, RBB News – Gaid Saleh wuxuu dhashay Janaayo 13, 1940 waxuuna ku dhashay bariga gobolka Batna, Gaid Saleh wuxuu ka qeyb qaatay halganka Algeria ee ka dhanka ahaa xukunkii gumeystihii Faransiiska intii u dhaxeysay Nofeembar 1, 1954 iyo Maarso 19, 1962.

Xornimadii Aljeeriya ka dib, wuxuu sii waday shaqadiisa ciidamada Algeria, isaga oo u gudbay darajadii jeneraalka guud 1993.

Sannadkii 1994, waxaa loo magacaabay inuu noqdo taliyaha ciidamada xoogga dhulka intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Algeria.

Kaddib doorashadii madaxweynenimada ee 2004, Gaid Saalax waxaa loo magacaabay madaxa shaqaalaha ee Algeria.

Wax yar kadib markii mudaaharaadyo waaweyn ay qarxeen horaantii sanadkan, ayuu Gaid Salah khudbad telefishinka laga sii daayay ku booriyay madaxweynaha Bouteflika inuu shaqada ka tago taasoo keentay inuu hoggaamiyihii halyeeyga ahaa deg deg isku casilo.