Tahriibe geeriyooday isaga oo doonaya in uu dabaal ku galo Britain

0
261

Talaado, RBB News – Tahriibe reer Ciraaq ah oo isku dayay in uu dabaal ku galo Britain ayaa geeriyooday, sida ay sheegeen masuuliyiin reer Biljam ah.

Ninkan oo la rumaysan yahay in uu ku jiray da’da afartameeyada ayaa maydkiisa laga helay xeebta Biljam ee u dhaw tuulada Zeebrugge.

Carl Decaluwé oo ah barasaabka West Flanders ayaa sheegay in la helay maydka ninkan oo ay ku xiran yihiin waxyaabo macmal ah oo uu ugu talagalay in ay ka caawiyaan in uu sabeeyo.

Ninkaas ayay booliisku aqoonsadeen iyaga oo isticmaalay sawirka farahiisa, barasaabka ayaana sheegay in la rumaysan yahay in tahriibahan magangalyo looga soo diiday Jarmalka.

“Waxay nala tahay wuxuu isku dayayay in uu dabaal ku tago UK,” ayuu yiri, wuxuuna intaas ku sii daray “waxay ila tahay wuxuu rabay in uu ka billaabo Faransiiska.”

Barasaabku wuxuu sheegay in ninkan oo Jamcihii la helay “ay ku duuduubnaayeen shabaqyada kaluunka lagu dabo iyo caagado aan u malaynayo in uu rabay in ay u sahlaan dabaasha”.

“Aad baan uga calool xumaaday. Haddaad aragto dad qarniga 21 doonaya in ay Faransiiska ka dabaashaan oo UK ku tagaan waa arrin waali ah.” Ayuu yiri.