Taliska Africom Oo faah faahiyay Khasaarihii Kadhashay Duqeyn Ka dhacday Gobolka Hiiraan

9
2947

Jimco 1 Feebaraayo 2019 (RBB News) – Ugu yaraan 24 xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xagga Cirka ah oo uu howl-galka Ciidanka Maraykanka Afrika ka geystay Gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo Shalay kasoo baxay howl-galka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ka dhacday saldhig ay argagixisada Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Shabeelleey oo qiyaastii 22 km Koofur Galbeed ka xigta Magaalada Baladweyne.

Ma jiraan wax dhimasho iyo dhaawac ah oo duqeynta kasoo gaaray Dadka Rayidka ah eek u nool goobaha la weeraray, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Africom.

Agaasimaha howl-gallada Afrika ee Africom, Jeneraal; Gregg Olson, ayaa sheegay in ay wada shaqayn dhow leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda Caalamka, si ay loo dhowro Shacabka.

Wuxuu sheegay agaasimuhu, in taxadarku uu yahay qeyb ka mid ah istaraatiijiyadda ay ku duulayaan, weerarrada ka dhanka ah xag-jiriintuna ay sii wadi doonaan, iyagoo kaashanaya saaxiibbadooda bahwadaagta la ah,si horumar looga gaaro dagaalka lagula jira argagixisada Caalamiga ah ee kasoo horjeedda nabadda Soomaaliya iyo tan Gobolka.

9 COMMENTS

  1. Heya i am for the primary time here. I came across this board and I find It truly useful & it helped me out much. I’m hoping to give one thing back and aid others like you aided me.

  2. Write more, thats all I have to say. Literally, it seems as though you relied on the video to make your point. You obviously know what youre talking about, why waste your intelligence on just posting videos to your weblog when you could be giving us something informative to read?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here