Taliska Booliiska oo war ka soo saaray qaraxii goor dhaw ka dhacay Isgoyska Dabka

0
568

Arbaco, April, 17, 2019 (RBB News)– Taliya Ku-xigeenka Booliska Jen. Zakiya Xusseen Axmed ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay qaraxa iyo khasaaraha uu sababay, waxaana ay xustay in gaariga qarxay uu ahaa Toyota Harier oo la dhigay maqaayad horteeda uu qarxay.

Waxey xaqiijisay dhimashada ilaa Afar ruux tiro intaa ka badanna waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

“Ilaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah. Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe degdeg ha u bogsiiyo ayay tiri Taliye Zakiya.

Jen. Zakiya ayaa ugu baaqday shacabka in ay taxadar muujiyaan, ayna Booliska ku soo wargeliyaan gawaarida ay ka shakiyaan, iyagoo soo wacaya taleefanka nambarka 991.

Qarax ayaa noqonaya kii labaad oo saacado gudahood ka dhaca wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama.