Taliska Ciidanka Xogga Oo baaq Udiray Shacabka Janaale.

0
412

Arbaco, RBB News:- Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa u sheegay shacabka reer Jannaale inay gacan ka geystaan siddii cadawga looga xoreyn lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabellada Hoose.

Taliyaha oo meel fagaaro ah kula hadlayay shacabka ku nool Jannaale ayaa ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka oo ay farta ku fiiqaan haraadiga Al-Shabaab haddi ay magaladu ku arkeen si loo xoojiyo nabadgelyada magaalada iyo deegaannada ku xeeraan.

Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa xusay in dib loo soo celin doono adeegyada aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka sida hirgelinta goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo goobo kale, waxaana uu taliyaha tilmaamay inay joogteyn doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ugu dambeyn u sheegay shacabka ku nool Jannaale inay u hayaan deeq raashin ah, isla markaana maalmaha soo socdana ay soo gaarsiin doonaan daawooyin loogu talagalay shacabka