Taliyaha Nabadsugida Puntland oo la magacaabay

0
262

Talaado RBB News:-iyadoo xaalada amniga ee deeganada Puntland laga deyrinayo ayaa waxaa uu Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi magacaabay Taliyaha Nabadsugida Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Datuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

sikastaba ha ahaate magacaabistan ayaa kusoo beegantay xili dhawaanahanba Mw deni uu buuxinayay boosaska ka banaan dhinacayada kala duwan ee maamulkiisa.