Taliyihii Danab oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

0
2097
Shuraako Featured on VOA Somali
MUQDISHO — Taliyihii guutada Danab ee ay tababareen ciidamada Maraykanka ayaa jagada laga beddelay, sida ay noo sheegeen ilo kala duwan.
Taliyaha la beddelay ayaa lagu magacaabaa Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Macalin oo xilkaasi hayey muddo ka yar sannad.

Ilaa haatan dawladda Soomaaliya rasmi ahaan uma shaacin sababta loo beddelay.

Taliyaha cusub ee Danab ayaa lagu magacaabaa Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur “Beeryare” oo kasoo tirsanaa qaybta saadka ee Danab.

Danab ayaa intii la aasaasay waxaa taliyennimada iskaga dambeeyey lix sarkaal oo kala duwan kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin Gaashaanle Sare Xasan Kumaandoos Xasan 2013-2014; Gaashaanle Dhexe Yacquub Axmed Siyaad 2014-2015; Gaashaanle Sare Axmed Cabdullaahi Sheekh “Axmed Danab” 2016-2019; Gaashaanle Cabdiraxmaan Sheekh Cumar “Jeeniqaar” 2019-2020; Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik 2020-2020; iyo Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur “Beeryare” oo hadda la magacaabay.