Tartanka Orodka Gaaban ee degmooyinka gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu qabtay

0
300

Jicmo, April, 05, 2019 (RBB News) – Wasiirka Wasaarrada Dhalinyarrada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa ka qeybgalay munaasabada furitaanka tartanka Orodka Gaabsan oo sanadkiiba mar la qabto.

Dhalinyaro u tartamaya degmooyinka Gobolkaan Banaadir ayaa tartanka ka qeyb galaya, kuwaa oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Tartamayaasha ayaa ka bilaabay Orodka Isgoyska km4 iyaga oo tagaya  Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, waxaana kaalinta koowaad ku guuleystay Cabdinuur Maxamed Garaad oo ka socday degmada Kaaraan, kaalinta labaadna waxa gashey Ikraan Maxamed Xuseen oo ka socotay gabdhaha degmada Boondheere.

Dhinaca kale saacadiihii hore ee saakay ayaa guud ahaan magaalada la xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka, sababo la xiriira tartanka lagu qabanayo.