Trump Oo Ku baaqay in Xilka ay Ka dagto Ilhaan Cumar.

0
326

Arbaco 13 Feebarayo 2019 (RBB News) –Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Gabadha Soomaali Mareykanka ah ee ku jirta Baaarlamaanka Mareykanka in ay xilka ay iska casisho kaddib markii ay hadallo gaf ku ah Yahuudda ku qortay Twitter-ka.

Trump oo ku biiray dadka sida xun u cambaareeyey hadalkii Xildhibaan Ilhaan Cumar ee Yuhuudka nacaybka lagu sheegay ayaa ku baaqay in Ilhaan Cumar ay iska cashiso Xildhibaanada Congresska dalka Maraykanka.

“Yuhuud Naceybku meelna kuma laha Congresska dalka Maraykanka, ”ayuu yiri Madaxweyne Trump oo isaga laftiisa hore loogu eedeeyay hadalo qadaf ku ah isirka iyo dadka laga tirada badan yahay.

Qoraallada Ilhaan ee ay dhibsadeen dadka Yuhuudda Mareykanka ayaa buuq ka dhex dhaliyay gudaha labada Aqal ee Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa raalli gelin ka bixisay hadallada ka dhanka ah Dadka Yuhuudda ah oo ay inta badan ku dhaliisho sida ay ula dhaqmaan Dadka Falastiin.

“Waa in ay iska casishaa Kongresska amaba hubaal guddiga arrimaha dibada oo ay xubinta ka tahay,”ayuu yiri Trump oo ku tilmaamay cudurdaarka ay ka bixisay hadaladeeda Ilhan Cumar in uu yahay mid daciif ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in xittaa haddii aysan xubinnimadeeda Baarlamaanka ka baxaynin ay isaga baxdo Guddiga siyaasadda arrimaha dibadda ee Golaha Aqalka hoose oo ay xubin ka tahay.

Trump ayaa laftiisa ololaha ku galay kala qeybinta dadka iyo naceybka Umadaha qaar sida dadka Afrikaanka ah, kuwa Aasiya iyo Dadka Spanishka ah ee Mareykanka u dhashay.

Ilhan Cumar oo ah gabar asalkeedu Soomaali yahay kana mid ah Congresska dalka Maraykanka ayaa eedeyn kala kulantay xisbiga Dimuqraadiga iyo Jamhuurigaba kadib markii ay sheegtay in ururka Aipac oo ah guddi u qaabilsan arrimaha Yuhuuda Maraykanka uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil.