Turkiga Oo Ciidamo Dheeraad Ah udiraya Suuriya.

0
263

Axad, RBB News:- Dowlada Turkiga ayaa ciidamo dheeraad ah iyo dabaabaadka dagaalka u daabushay gobolka Idlib ee Dalka Suuriya.

Deegaanada waqooyiga ee Suuriya oo qeybo ka mid ah wali ay Maamulayaan mucaaradka, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya xoogaga dowlada iyo maleeshiyaadka Hubeysan.

Xukuumada Ankara ayaa wali ku howlan xoojinta dhanka amniga xadkeeda iyadoo ka cabsi qabta qaxooti hor leh oo kaga yimaada dhanka Suuriya.

Boqolaal kun oo qof ayaa dabayaaqadii sanadkii hore ku barakacay gobolka Idlib kadib duulaan xoogan oo ciidanka amniga Suuriya oo garab ka helaya kuwa ruushka ay ku qaadeen fariisimaha Mucaaradka.

Qaramada Midoobay ayaa dhanka kale walaac ka muujisay howlgalada ka socda gobolka Idlib oo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartay dadka Rayidka.

Inkastoo Turkiga Suuriya iyo Ruushka ay gaareen xabad joojin ka hirgasha gobolka Idlib si loo samatabixiyo shacabka ayaa hadane heshiiskan uu burburay bishii Hore.

Xukuumada Moscow ayaa dhanka kale walaac ka muujisay xiisada u dhaxeysa labada dal, maadaama suuriya ay ka carootay milatariga Turkiga u daabulay gobolka Idlib.

Warbaahinta Turkiga ayaa tabisay axada maanta ah in dabaabaadka dagaalka ay ka gudbeen degmada Reyhanli ee gobolka Hatay.