Turkiga oo gacanta ku dhigay xubno looga shakisan yahay Daa.cish

0
415

Isniin RBB News – Booliska dalka Turkiga ayaa xirey ugu yaraan 94 qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daesh xilli ay dalkaas ka dhacayeen olole looga golleeyahay in looga hortago falalka argagixiso ee suuragalka ah ka hor xaflada sanadka cusub 2020.

Howlgallada ayaa laga fuliyay gobollada dhexe ee Ankara, Kayseri iyo Adana, iyo Batman oo ku yaaala koonfur-bari ee dalkaasi wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa werisay.

Ugu yaraan 30 reer ciraaq ah, laba reer oo Siiriyaan ah iyo hal u dhashay dalka Morooko ayaa lagu hayaa caasimada Ankara ee dalkaasi turkiga.

Dhinaca kale, Sagaal muwaadin oo reer Ciraaq ah oo ka soo dagaalamay Siiriya iyo Ciraaq ayaa lagu hayaa Kayseri.

Afarta qof Suuriya u dhashay iyo laba muwaadin reer Ciraaq ah ayaa iyagana lagu haystay Adana.

Turkiga waxaa lagu eedeeyay inuu u ogolaaday maliishiyaad taageersan shisheeye inay si fudud uga gudbaan xuduudaheeda sanadihii hore ee dagaalka ka socday Siiriya.

Rabshadihii ayaa soo afjaray xasuuqii sanadka cusub ee 2017 ee 39 qof loo gaystay goob lagu caweeyo oo ku taal Istanbul, Daesh ayaa sheegatay weerarkaas.

Bishii la soo dhaafay, Turkiga wuxuu sheegay in ay dib ugu celin doonaan xubnaha ajaanibta ah ee Daesh dib dalalkoodii hooyo ee Yurub ka dib markii laga shakiyay oo ay qabteen ciidamada Turkiga intii ay ku sugnaayeen xuduuda Ankara ee xadka waqooyiga bari ee Siiriya.