Ururka Bisha Cas ee Kenya oo sheegay in la helay dhammaan dadkii lagu la’aa weerarkii DusitD2

607
51255

Jimco, Janaayo, 18, 2019 (RBBNEWS) – Ururka Bisha Cas ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in la helay dhammaan dadkii lagu weysanaa weerarkii lagu qaaday dhismaha Dusit2D ee magaalada Nairobi.

Saraakiil u hadashay hay’adan ayaa waxa ay sheegeen in ay heleen akhbaarta dhammaan 94 ruux oo markii hore lagu la’aa weerarkii lagu qaaday hotelka ku yaal magaalada Nairobi.

21 ruux ayaa la sheegay in lagu diley weerarkan ay ururka Al-Shabaab ku qaadeen gelinkii dambe ee Talaadadii mid kamid ah dhismooyinka waaweyn ee magaalada Nairobi.

Dableyda weerartay hotelka ayaa la shaaciyay in la wada diley kadib dagaal socday muddo 20 saacadood ah oo ay kala horyimaadeen ciidamada gaarka ah ee dalka Kenya Arbacadii shalay ahayd.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay gelinkii hore ee Arbacadii in weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday 14 Riverside Drive la soo afjaray,lana diley dhammaan kooxdii weerarka geysatay.

Illaa 700 oo ruux ayaa laga soo badbaadiyay dhismahan tan iyo markii uu weerarku ku bilowday Talaadadii socdayna illaa iyo gelinkii hore ee Arbacadii .

Wasiirka Arrimaha  Gudaha Kenya Fred Matiang’I ayaa sheegay in dalka Kenya uu ammaan yahay,waxana uu ugu baaqay shacabka dalkaas inay howlahooda si caadi ah u wataan.

Xigasho;DailyNation

607 COMMENTS

  1. 먹튀폴리스는 먹튀검증커뮤니티로써 꽁머니 제공은 물론, 먹튀사이트의 먹튀검증을 위한 검증사이트입니다.
    먹튀폴리스 먹튀검증커뮤니티를 통해 신규 먹튀사이트 정보와 기존 토토사이트의 철저한 검증으로 먹튀없는 시대를 만들어가고 있습니다.
    먹튀검증 먹튀폴리스를 사랑하는 여러분의 많은 호응바랍니다.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here