Arbaco RBB News:- Ugu yaraan 95 ruux ayaa ku dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen qarax weyn oo ka dhacay afaafka hore ee saldhiga booliska magaalada Kabul, sida ay xaqiiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska Afghanistaan.

Afhayeenka wasaarada amniga gudaha Nasrat Raxiimi ayaa sheegay in qaraxaan uu ka dhacay saldhig booliska ay ku leeyihiin bariga magaalada Kabul.

Mr Raxiimi ayaa intaa ku daray in qaraxa uu dhacay kadib markii koontaroolka saldhiga lagu joojiyay gaari ay walxaha qarxa saarnaayeen, deetana uu sidaa ku Qarxay.

Inkasta oo aysan jirin cid ku dhimatay qaraxaan ayaa hadane afhayeenka wasaarada caafimaadka Waxiidulaahi Mayar wuxuu xaqiijiyay in 95 ruux oo ah rayid u badan caruur iyo haween ay ku Dhaawacmeen

Mid ka mid ganacsatada magaalada oo lagu magacaabo Axmed Saalax ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in qaraxaan si weyn looga maqlay guud caasimada Kabul.

Mas,uuliyada weerarkaan ayaa waxaa dusha u ritay kooxda Talibaan waxaana ay ku hanjabtay in ay weerari doonto isu soo baxyada siyaasadeed ee ka dhacaya Afghanistaan ka hor iyo doorashada madaxtinimo ee la qaban doono 28-da bisha September