Wada Hadal Dheer Kadib General Khaliif Xaftar Oo Isaga Tagay Moscow.

0
209

Talaado, RBB News:- Janaraalka Mucaaradka ee dalka Liibiya Korneyl Khaliifa Haftar ayaa ka tagay magaalada caasimada ah ee Moscow isaga oo aan saxiixin heshiiska lagu doonayay in lagu abuuro xabad Joojin nabadeed oo ka hirgasha Liibiya.

Kadib wadahadal saacado qaatay oo ay garwadeen ka ahaayeen dowladaha Turkiga iyo Ruushka ayaa Janaraal Haftar wuxuu dalbaday in dib loogu dhigo ilaa subaxnimada saaka oo talaado Ah.

Heshiiskan ayaa waxaa qalinka ku duugay Ra’isul wasaaraha dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Fayez al-Sarraj oo fadhigiisu yahay magaalada Tripoli.

Wasaarada arimaha dibada Ruushka ayaa xaqiijisay in Janaraal Haftar laga sugayay jawaab saaka, balse uu isaga tagay magaalada caasimada ah ee Moscow.

Wadahadalka bilowday isniintii shalay ayaa imaanaya maalin uun kadib markii xabad joojin nabadeed ay ku heshiiyeen dhinacyada ku dagaalamaya Liibiya.