Wadooyinka Magalaada Muqdisho oo Saakay Qaar ka Xiran

0
284

Jimco, 5 April 2019 (RBB News) – Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa sii adkeeyey amniga Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho xilli xalay qarax khasaaro geystay uu ka dhacay afaafaka hore ee Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee iskuul Bulusiya.

Ciidamada ayaa xiray qeybo badan oo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama iyo Wadada dhex marta degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee aada degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Sababaha wadooyinka loo xiray ayaa lagu sheegay in saakay Magalada Muqdisho lagu qabanayo tartanka Orodka dheer Sanadkaan 2019, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Dadka Shacabka ah ayaa intooda badan Maanta wada lugeynaya walow ay tahay Jimco oo dadka badi ay yihiin kuwo ka nasanaya Goobaha Waxbarashada iyo Shaqooyinkooda gaarka ah.

Tartankaas Orodka dheer ah ayaa kasoo bilaaban doona Isgoyska km4 ilaa Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere,waxaana tartankaas uu yahay mid sanadkiiba mar la qabto.