Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiye Najax oo Safar Lugta Ah Kutagay Awdhiigle+SAWIRO.

0
682

Sabti RBB News:- Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo la kulmay maamulka degmada Awdhiigle ee gobolkaasi ayaa kala hadlay la shaqeynta Ciidanka xoogga.

Ibraahim Aadan Cali Najax oo La Hadley Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay iney safar dhulka ah ku gaareen degmada Awdheegle oo dhowaan laga xoreeyay Alshabaab.

Mudane Najax ayaa Sheegay in safarkiisa lugta ee ay ku gaareen degmada Awdheegle ay ku wehlinayeen guddoomiyaha degmada Awdhiigle Maxmed Yarow, Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genral Odowaa Yuusuf raage , Taliyaha qeybta booliska ee gobolka shabeelaha hoose Abdi dheere, guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Cabdifataax Xaaji cabdulle iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolkaas.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada saraakiisha ciiidanka,ayaabogaadiyay saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka dib loogu qabsada degmada Awdhiigle iyo deegaanada kale.

ugu dambeyn guddoomiye Ibraahim Aadan Cali ayaa qeybaha kala duwan ee Shacabka gobolka ka codsadey inay soo dhoweeyaan ciidamada meel walba ay gobolka ka joogaan si looga adkaado Dagaalamayaasha Alshabaab.