Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’isul Wasaare Kheyre Oo Beydhabo Kuwajahan .

0
807

Sabti RBB News:- Wafdi Uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waddaa in ay gaaraan Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Ra’isul wadaaraha ayaa lagu wadaa markii ay tagaan Beydhabo in ay booqdaan degaano ka mid ah gobolka Bakool gaar ahaan Magaalada Xudur halkaasi oo ay kusuganyihiin ciidamo katirsan Dolwada Iyo Maamulka Koonfur Galbeed Sidoo Kale waxaa lagu wadaa in uu Ra’isul Wasaaraha dhagax dhigo Mashaariic horumarineed oo loogu tala galay in lagu horumariyo adeegyadda Bulshadda Iyo Xarumo Muhiim ah oo laga hirgalinayo deegaano katirsan Maamulkaasi.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C.casiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan maamulkaasi ayaa lagu wadaa in wafdiga Ra’isul wasaaraha ay kusoo dhaweeyaan Magaalada Beydhabo Ee Gobolka Baay.

Waxaa siweyn loo adkeeyay Amniga Magaalada Beydhabao iytadoona la xiray inta badan Wadooyinka gala xarumaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.