Wakiilo ka socda Sucuudiga oo deeq raashin ah ka qaybiyay magaalada dhuusamareeb ee caasimada galmudug

0
332

Isniin, 27 May 2019 (RBB News) – Deeq raashin ah oo katimid boqortooyada Sucuudiga ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug loogu qaybiyay 700 boqol oo qoys oo laga soo kala xulay Xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb.

Qeeqdaan oo ka kooban Bur, Bariis,Sonkor,Saliid iyo Timir oo ay soo dhiibay Boqortooyada Sucuudiga ayaa loogu talagalay in loo qaybiyo dadka danyarta ah ee ku nool Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Dadka loogu talagay in ay ka faa’iidaystaan ayaa ka kooban 700 oo qoys sida ay sheegeen Masuuliyiinta degmada Dhuusamareeb oo deeqdaan wax ka qaybinaya.

Dadka danyarta ah ee laga soo xulay Xaafadaha ay Dhuusamareeb ka koobantahey ayaa dhankooda ka mahad celiyay deeqdaan maadaama lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan ayna ku adkeed in ay helaan adeegyada aas aasiga ah ee loo baahanyahey Ramadaanka.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa deeqo kala duwan ugu deeqa wadamada ay kunool yihiin bulshinka Muslimiinta ah ee tabaalaysan waxaana wadamaasi ka mida Soomaaliya oo ilaa hada laga qaybiyay dhowr degmo.No photo description available.