waqtiga isdiiwaangalinta musharixiinta Galmudug oo maanta ku eg

0
231

Isniin, RBB News – Maanta oo isniin ah galinka dambe waxaa ku eg waqtiga is diiwaan galinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka ee Maamulka Galmudug.

Gudiga doorashooyinka ayaa shalay waqti dheeri ah oo ku jaan go’nayd muddo 24 saac ah ku daray xiligii loo asteeyay in ay musharxiinta galmudug is diiwaan galiyaan.

Warar idaacadda banaadir ay heleyso ayaa sheegaya in Afar mushrax oo kamid ay musharixiinta Madaxweynaha Galmudug aysan is diiwaan galin ilaa iminka.

Sida wararka ay shergayaan Waxaa isdiiwaan galiyay Labo musharax oo kamid mushirixiinta Ay wadato Dowlada Dhexe

Waxaa laga cabsi qabaa in dib udhac ay kutimaado Doorashada madaxweynaha galmudug ayadoo Gudaha magaalada Dhuusomareeb ay kasocdaan kulamo looga hadlayo xaalada Galmudug.

Odayaasha iyo Waxgaradka Dowlada taageersan ayaa soo dhaweeyay hanaanka ay gudiga Farsamada Galmudug ay uwajahayaan oorashada Madaxweynaha Maamulkaasi.