Warar Dheeraad Ah Oo Laxiriiro Qarax Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

0
295

Sabti RBB News:- Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxayo qarax dhulka lagu aasay oo ka dhacay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir

Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu aasay wadada dhinaceeda gaar ahaan wadada u aada xarunta degmada Dayniile Agagaarka Haanta dheer waxana degmada Deyniile iyo degmooyinka kale qaarkood laga maqlay Dhawaqa Qaraxa.

Ciidamada dowlada oo goobta gaaray ayaa baaritaano kasameyay agagaarka meesha uu qaraxu ka dhacay.

Maamulka Degamada ayaa xaqiijiyay in waxyeelo ay soo gaartay dad Shacab waxaana qaraxaasi lala damacsanaa mas’uuliyiinta degmada Dayniile oo marayay goobta