Wararkii ugu dambeeyay dab ka kacay Bakaaraha

0
294

Talaado, 30 April 2019 (RBB News) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dab ka kacay suuqa Bakaaraha gaar ahaan Suuqa Cabdalla Shideeye ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu dabkaasi uu u muuqda Mid sii xoogeysanaya

Goobjooge u waramay Idaacadda Banadir ayaa sheegay Dabka in uu geystay khasaare hantiyadeed, sidoo kalena laga cabsi qabo in uu ku sii fido goobaha Ganacsi ee halkaasi ku dhow.

Dabka ayaa ka bilowday Dabaqa Al-Khaliij oo ku dhex yaalla Suuqa Cabdalla Shideeye.

Gaadiidka Dab damiska ayaa waxa ay gaareen goobta uu Dabka ka kacay, si ay u damiyaan Dabkaasi kacay, si uusan u geysan khasaare kale oo dheeraad ah.