Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Gaarisa

0
126

Arbaco, RBB News – Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ku lahaayeen meel aan ka fogeyn degmada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari.

Inkastoo aan la ogeyn tiro rasmi ah khasaaraha ka dhashay weerarkan haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dhinaca kale, Al-Shabaab waxay sheegteen mas’uuliyadda weerarkaan waxaana war ay ku qoreen warbaahintooda ku sheegeen in ay gudaha ugu galeen Saldhiga ay weerareen oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Kenya, isla markaana ay bur-buriyeen agabkii ay ku howlgalayeen ciidamada Kenya.

Weerarkan ayaa imanaya xili maalintii shalay taliska Mareykanka ee Africom sheegeen in ay dileen xubno ka tirsan  Al-shabaab oo ku lug lahaa weerarkii bishii hore lagu qaaday saldhiga Mandi Bay ee gobolka Waqooyi Bari oo xarun u ah ciidamada Mareykanka