Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Afgooye

0
225

Sabti, RBB News:- Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxayo Qarax ismiidaamin ah oo Waqti yar kahor ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay meel udhow Isgoyska Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye.

Jugta Qaraxan ayaa Siweyn Looga maqlay Deegaanada Udhaw Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa ayaa ka dhqcay Goob lagu qaado Canshuurta oo Boodboodka layiraahdo Oo Degmada Afgooye.