Wararkii ugu dambeeyay qarax saaka ka dhacay Degmada Hodan

0
278

Khamiis RBB News – faafaahino ah dheeraad ayaa kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay agagaarka carwadii hore ee taleex ee degmada hodan ee Gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qaraxa nooca uu ahaa, warar ayaa sheegaya in qaraxa lagu xeray gaariga halka warar kale ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso.

Gaariga qaraxa uu haleelay ayaa la tilmaamay in uu lahaa mid kamida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida dad goob joogayaal ah inoo xaqiijiyeen.

Darawalkii gaariga ka xeenayay ayaa la sheegay in uu dhaawac soo gaaray.

Wadada ka timaada dhanka tarabuunka ee aada isgooska Taleex ayaa isku socodkeeda muddo hakad gashay inkastoo markii dambe caadi ay kusoo laabteen isku socodka gaadiidka ee wadadaas.

 

Wixii kusoo kordha halkan ayaan idiin kugu soo gudbin doonaa Insha Allah