Wararkii ugu dambeeyay Xiisadda ka taagan Gobolka Sanaag

0
249

Talaado, RBB News – Deegaano ka tirsan gobolka Sanaag waxaa lasoo warinayaa in ay ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland, oo halkaas dhowr jeer oo hore dagaalo ay ku dhex mareen labada dhinac.

Dadka deegaanka waxaa soo wajahday cabsi ku aadan in xili waliba la filan karo in uu halkaasi dagaal uu ka bilaawdo, maadaama labada dhinacba ay is hor fadhiyaan halkaasi.

Magalada Badhan ee gobolka Sanaag iyo deegaanada hoos yimaada ayaa lasoo sheegayaa in ay si gaar ah xiisaddu kaga taagan tahay, sida dad ku sugan Magalada Badhan ay sheegayaan.

Wararku intaasi waxay ku darayaan in ciidamo ka tirsan Soomaaliland ay gaareen duleedka Magalada Baran ee gobolka sanaag, waxaana xusid mudan in halkaas ciidamada Somaliland saldhigyo ay ku leeyihiin.

Guray Cismaan Saalax oo ahaa Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Magalada Baran iyo Maamulkii degmadaas ayaa dhawaan waxa ay ku biireen Maamulka Puntland, Soomaaliland ayaana si kulul kaga hadashay falkaas, Taliyaha Ciidamada Milateriga Somaliland ayaa sheegay in shaqsiyaadka goostay dhibaato ay ku ahaayeen Maamulkaas.