Warbixin :- 20 sano kadib maxaa u hirgalay Radio Banadir

0
392

Sabti, RBB News – Muddo 20 sano ayaa kasoo wareegatay markii Hawada ay kusoo biirtay Idaacadda Faca weyn ee Banaadir Oo la aas aasay 21 bishii Febraayo Sanadkii 2000.

Kalsoonida Lagu qabo Idaacadda Banaadir ayaa Sii kordheysay Maalin maalinta ka dambeysa Maadaama Bulshada Dhexdeeda Aan ku dhex yeelanay Saameyn Togan.

Ilaalinta  dhexdhexaadnimada iyo Anshaxa Suuban ee saxaafadda Waa Sifo ay ku caan tahay Oo ay ku talaabsatay idaacadda Banaadir inta ay hawada ku jirtay, iyadoo sidoo kale Tusaale u noqotay Warbaahinta inteeda kale.

Hubinta Iyo Kawar heynta Saxnimada Wararka Waa Qeyb kale oo ay Idaacadda Banaadir Muhiimad gaar ah siisay Maadaama isdaba joog ay yihiin dhacdooyinka isdaba yaal ee ka dhaca Daafaha Dunidan aan ku dul nool nahay.

sidoo kale idaacaddu waxay hanatay wariyaal Hal abuur leh Kuwaas Oo wax badan ka qora Silsiladda Xaaladdaha Kala duwan Ee uu dalka ku jiro.

Isfaham guud Ee dhexmaray maamulka sare iyo shaqaalaha Idacadda Banaadir ayaa saamaxay oo fududeeyay gaaridda iyo Hiigsiga Guushan qiimaha badan taas oo ah arin kale oo muhiim ah Sheegid iyo Xusidna mudan.

Tayada Barnaamijyada iyo Ku tixnaashaha Bulshada ayaa noqonaya Tusaale kale Oo saafi ah Maadaama Muhiimad qoto dheer iyo qorshe hagaagsan U dagsan yihiin qaabka barnaamijyada u baxaan iyo muhiimadda bulshada u leeyihiin Taas oo inoo horseeday hellidaa amaan kal furan oo isdaba joog ah oo inooga imaaneysay jihada Dhageystiyaasheenna qiimaha iyo Qaayaha badan.

Dhiiro galinta Shacabku ina siiyeen Ayaa hiil u noqotay In aan beegsano bar muhiim ah Taas oo idaacadda Banaadir Ka dhigtay Xarun Wargalin, Waxbarid iyo Madadaalo.

Waxaad aragto sheeg waxaad doonto ha sheegin waa halku dhiga idaacadda Banaadir Taas oo ka dhigan in Idaacadda Banaadir Ka dhowrsan tahay Tabinta Wararka aanan Xaqiiqda ahayn.

Qancinta Bulshada ayaa ah qodob kale oo muhiim ah Oo ay idaacadda Banaadir hiigsato iyadoo Bulshadeeda La wadaageyso Warar huban Iyo Barnaamijyo Laga kororsan karo waxyaabo dheeraad ah kuuna noqon doona Jiho iyo Tusaale kuu muhiim ah.