Warbixin :- Dil wadareedyadii Sanadkan ka dhacay Mareekanka

0
256

Axad, RBB News – Mareykanka waxaa sanadkan 2019 ka dhacay dil-wadareedyadii ugu badnaa abid, sida ay sheegeen baarayaal.

Xog ururin ay sameeyeen wakaaladda Associated Press (AP), USA Today iyo Jaamacadda Northeastern ayaa lagu diwaan geliyay 41 dhacdo oo ay ku dhinteen 211 qof.

Dil-wadareedku waa marka afar qof ama ka badan lagu dilo hal dhacdo, marka laga reebo qofka dhibka geystay.

Dhacdooyinkii dhiigga badan uu ku daatay sanadkii 2019 waxaa ka mid ahaa tii ay ku dhinteen 12 qof oo ka dhacday Xeebta Virginia bishii May iyo 22 qof oo bishii August lagu dilay El Paso.

Kiisaska 41-ka ah ee dhacay sanadkan 2019, 33 ka mid ah waxaa loo adeegsaday qoryo, sida ay sheegeen baarayaasha. Marka gobol ahaan la eego, dilalkii ugu badnaa ayaa ka dhacay California.

Baarayaasha ayaa tan iyo sanadkii 2006 ururinayay xogta dil-wadareedyada Mareykanka, Sanadkii labaad ee ay dilalka ugu badan ka dhaceen Mareykanka wuxuu ahaa 2006, oo ay dhinteen 38 qof.

Inkastoo 2019 ay Mareykanka ka dhaceen dhacyooinkii ugu badnaa, haddana khasaaraha dhimashada ee 211 waxaa dbaoolay 224 qof oo dil-wadareed ku dhintay sanadkii 2017. Sanadkaas wuxuu ahaa kii ugu xumaa ee dil-wadareed uu dhiig badan ku daato uu ka dhaco Mareykanka, 59 qof ayaa hal maalin ku dhintay toogasho ak dhacday xaflad ka socotay Las Vegas.

Dil-wadareedyo badan oo ka dhaca Mareykanka aad looma baahiyo, sababo la xiriira inay ku lug leeyihiin khilaaf dhex maray qoysas iyo ka ganacsiga daroogada, sida ay baarayaashu sheegeen.