Wasaaradda Beeraha Hir-shabeelle oo amar dul dhigtay Kanaaleyda Beeraha Maamulkaas

0
382

Axad, RBB News- Waxaa isa soo taraya cabsi laga qabo Fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka geysto qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe, waxaan digniin arintan ku saabsan soo saaray maamulka gobolleedka Hirshabeelle.

Maxamed Bashiir Daqarre Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in siweyn u  buux dhaafiyay wabiga, lagana qabsi qabo in uu fatahaado sameeyo xiligan.

wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in ay jiraan dad u jeedooyin gaar ah ka leh in uu wabigu fatahaado sameeyo oo ay dadku dhibaato soo gaarto, waxa uuna digniin u diray dadka inta badan sameeyo sida uu wabiga  ku fatahi karo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Daqarre ayaa faray Guddiyada Kanaaleyda Beeraha ee dowlad goboleedka Hir-Shabeelle inay iska soo diiwangeliyaan Xafiisyada Wasaradda Beeraha si buu yiri looga hortago saameyn taban oo ka dhalan karta fatahaadaha uu sameeyo wabiga shabeelle.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda beeraha Hirshabeelle ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii kordheyso cabsida laga qabo in uu fatahaado sameeyo wabiga shabeelle oo mara labada gobol ee uu ka kooban yahay maamulkaasi ee Hiiraan iyo Shabeellaha shexe.