Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiiskii labaad ee Caronavirus

0
1815

Khamiis, RBB News – Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inuu jiro Kiiska qof labaad oo qaba cudurka Corona Virus Magaalada Muqdisho ,kaasi oo ka yimid dalka Talyaaniga maalmana la hayay.

Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijisay in dalka laga heley kkiiskii labaad ee qof qaba xanuunka Corona Virus,kaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey dhibaatooyin ku hayay bulshada caalamka.

Waxay sheegtay in qofka laga heley xanuunka COVID-19  uu dhowaan dalka yimid isla markaana kamid ahaa dadka laga shakiyay ka dibna la baaray sidaasna lagu xaqiijiyay.

Wasiirka  Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in qofka laga heley cudurka COVID-19 hadda xaaladiisa degan tahay,isla markaana aysan ka muuqan wax calaamad ah oo tilmaamaya cudurka.

Wasiiradda ayaa ku boorrisay bulshada Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan fiditaanka cudurkan halista ah, waxaanay ku baaqday in wacyigelinta bulshada la sii xoojiyo.