Wasaaradda haweenka Puntland oo Gaalkacyo ku qabatay kulan lagu taageerray haweenka u sharraxan gollaha deegaanka

0
813
Jimco, Maarso, 22, 2019 (RBB News) – Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa dardar galisay u qareemidda haweenka doonaya inay ka mid noqdaan golayaasha deegaanka ee Puntland.
Kulankii ugu horreyay oo lagu taageerrayo haweenka ka mid noqonaya golaha deegaanka ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo,iyadoo kulanka ay soo qaban qaabiysay Wasaaradda Haweenka Puntland oo kaashanaysa hay’adda USAID.

“Gabdhuhu waa laf dhabarkii bulshada inay dadku soo doortaan dumarka shacabkay dantu ugu jirtaa… gabdhaha haloo nuglaado oo halagarab istaago hana lala shaqeeyo”. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka Puntland Marwo Sahro Cabdi Xirsi ayaa ka sheegtay kulanka.

Wasiirkii Hore Wasaaradda Haweenka Puntland ahna guddoomiyaha hay’adda TAG Foundation,Marwo Caasho Geelle ayaa kulanka ka sheegtay golaha deegaanka ee loo dhisayo degmada Gaalkacyo in lagu soo daro ugu yaraan lix haween ah,iyadoo inta ku dartay “Inta badan raggu waa ku dhibtoodaan duqa degmada marka loo dhiibo, marka haddii aad xammili weydeen waxa aan idinka codsan lahayn in aad iska soo wareejisaan”.
Nabadoon Gaani Xuseen Siciid oo ku hadlay afka odayaasha dhaqanka ee degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in reer Muduga ay markhaati ka yihiin howl karnimadda gabdhaha,isagoo ku baaqay in la soo xulo haween ka mid noqda golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Punland Yusuf Maxamed Ismaaciil ayaa isna kulanka ka sheegay “Dumarka cidna kamaarmi mayso inagayna sharaf inootahay in qoondo fiican laga siiyo golaha deegaanka”.
“Gabdhuhu waa muhiim waana inay ka dhex muuqdaan meelaha lagu gaarayo go’aamada masiiriga ah. Aniga wasiir ahaan waxaa ii qorshaysan in aan taageerada ugu badan aan dumarka siiyo weliba 70% in badan”.ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland, Cabdullaahi Cabdi Xirsi oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda ee kulanka ka qaybgalay.
Gabagabada, kulanka waxaa soo xiray Wasiirka Arimaha Gudaha, Fedraalka iyo dimuqraadiyadda  Maxamed Cabdiraxman Dhabancad , wuxuu sheegay inuu rajo wanagsan ka qabo ugu yaraan afar xubnood inay haweenku ku yeeshan golaha deegaanka ee Gaalkacyo,isagoo inta ku daray “Dadaal mayara oo waan ognahay dhibka haysta gabdhaha anaguna doorkeena ayaan qaadanaynaa. Waxaa inoo ballan ah gabdhaha oo saxiixa raadsada odayaasha oo usoo saxiixa iyo anagoo meel marinna.”