Wasaaradda Qorsheynta XFS oo kulan wada tashi ah la qaadatay bulshada Bakool

0
256

Isniin, RBB News – Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Xudur ee Gobolka Bakool kulan wadatashiga  ah oo la xiriiray wareegga Labaad ee Qorshaha  Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka kula yeeshay xubno ka socday  bulshada rayida iyo ganacsatada kulan ku saabsan.

Daahfurka wada tahshigan waxaa  ka soo qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Koonfur galbeed, Agaasimaha Qorsheynta federaalka, Gudoomiyaha Gobalka Bakol, kan degmada Xudur iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Qorshyenta Koonfur galbeed Soomaaliya Ahmed Madoobe Nuunow ayaa tilmaamay in ka Wasaaradd ahaan ay ku faraxsan yahiin hannaanka uu u socda wadatashiga Qorshaha isla markaana uu sawir guud ka bixinaayo waxa looga baahan yahay dadka ku nool gobalkan Bakool.

Agaasimaha Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Muuse Maxamed Cusmaan  ayaa sharaxaad ka bixyay ujeedada kulankaan oo uu tilmaamay in muhiimadiisu tahay sidii dalkeena looga yareen lahaa Saboolnimada iyo  sidoo kale deyn cafinta

Guddoomiyaha Gobalka Bakool Maxamed  Toolow ayaa sheegay in ka maamul ahaan iyo bulsho ahaan ay farxad weyn u tahay in  la dhageysto bulshada gobalka,lana  baahiyo  baahiyahooda dhabta  ah ee la doonayo in loogu biiriyo qorshaha Qaranka.

Ka qeybgalyaashii kulankaasi ee dhinaca bulshada rayidka ah iyo ganacsatada,ayaa iyaguna ka hadlay halkaasi,waxa ayna ka warameen  muhiimadda lagama maarmaanka ah  ee ay doonayaan in loogu  biirayo qorshaha horuamrinta Qaranka.