Wasaaradda waxbarashada Jubbaland oo dhaliishay go’aan kasoo baxay Wasaaradda waxbarashada dalka

0
549

Arbaco, Maarso, 20, 2019 (RBB News) – Warqad kasoo baxday wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland ayaa warqad ay maanta soo saartay ku dhaliishay go’aan  kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya kaa oo ku saabsanaa in ardeyda dusgiyada sare ka qalinjabineeysa ay geli doonaan laba Imtixaan.

Imtixaanaadka ay ardeydu galeeyso ayaa mid kamid ah waxaa qaadi doonta wasaaradda waxbarashada dalka, halka kan labaadna ay qaadi doonto hay’adda FPENS oo Soomaaliya ka taageerta dhanka waxbarashada.

Hadaba halkan ka aqriso warqadda kasoo baxday wasaaradda wabarashada Jubbaland.