Wasiir Cawad Oo Lakulmay Safiirka Turkiga ee Somaliya.

0
193

Talaado, RBB News:- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Mehmet Yilmaz, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada nacfi wadaagga, gaar ahaan is-weydaarsiga ganacsiga iyo ballaarinta mashaariicda maalgeshiga.

Wasiitrka io Safiirka waxay si weyn iskula jeex-jeexeen arrimo ku salaysan ganacsiga iyo maalgeshiga, iyadoo Soomaaliya iyo Turkiga ay waqtigaan ku naaloonayaan xiriir taariikheed qoto dheer, laguna garto kobaca hallaasiga ah ee gaarka ah ee sarreeya ee ku dhisan wadatashi, iskaashi iyobooqasho isdhaafsiga heerarka kala duwan leh.