Wasiir Oomaar oo ka hadlay sababta uu kaga baaqday Safar uu ku tagi lahaa Kismaayo

0
312

Arbaco, RBB News – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo la filayay in uu gaaro Magaalada Kismaayo si uu ugu dhawaaqo in uu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhawaan baaqday iyadoo dhowr siyaabood lagu micneeyay baaqashadiisa.

Wasiir Oomaar ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook ku sheegay sababta ka dambeysay baaqashadiisa in ay tahay in uu ka fogaanayay in qalalaaso iyo rabshado ay dhacaan kuwaas oo dhibaato dhalin kara waxa uuna yiri “Safarkii aan kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska horimaad u dhaco. Qof isku dayay inuu isoo qaado ma jiro. In kastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokow).

Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya Ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in uusan weyn awood uu ku tago Magaalada Kismaayo laakiin isagoo fiirinaya masuuliyadda saaran ayuu sheegay in uu garawsaday in uu joogo Muqdisho.

“Hooyadii canuggeda lala qabsaday ee la yiri aan idiin kala goyno waxey tiri ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canugeeda la kala gooyo. Taas un baan isku mid nahay ee awood aan Jubbaland ku imaado ma weyn. Waan aqaan masuuliyadda i saaran ayuu kusii daray hadalkiisa Wasiirku.

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland ayaan ku qanacsaneyn badankood sida ay wax u socdaan, Maamulka talada haya waqtigan ayaa ku dhawaaqay dhawaan in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee Dalka.